4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Faysal Cali Waraabe: Muuse Biixi waxad moodday in uu caruur u sheekaynayo

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa hadalkii uu madaxweyne Biixi ku sheegay in uu wada qabanayo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada wax lagu qoslo ku tilmaamay.

"Hadad dhagaysateen xalay wuxuu ku hadlayay Muuse Biixi, waxad moodday in uu caruur u sheekaynayo, mudo lix bilood ah ayuu  yidhi waxan samaynayaa xeer aan saaxada kaga saarayo UCID iyo Waddani, oo aan la tartami doono kuwa soo baxa ayuu yidhi" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu ku andacooday in hadalka madaxweynuhu la macno hahay in uu leeyahay kursiga ma gaydaan "Waxaasi wax Somaliland u cuntama iyo wax anaga noo cuntamo maaha, in aanu anagu noqono second citizen (muwaakinka heerka labaad), oo la yidhaa ma gaydaan kursiga, wax la qaadan karo maaha".

Faysal waxa uu madaxweyhaha ku eedeeyay in uu sharci jabin badan sameeyay oo marka arrinta doorashada laga tago uu horay danbiyo badan oo sharci u galay sida go'aankii ay Fly Dubai xukuumadu xayiraada ku saartay in kasta oo markii danbe la fasaxay.

Waxa uu sheegay in ficilada madaxweyne Biixi anay shacabka iyo Somaliland toona dan u ahayn, isla markaana dadka badan kiisu kasoo horjeedo.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]