4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 14, 2022
Somaliland oo ka jawaabtay ka bixitaanka safiirka Soomaaliya ee kulankii Nairobi
 

Talaado, Juun, 14, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xumaatay talaabadii uu safiirka Soomaaliya ee Kenya kaga baxay kulankii qadada dibulumaasiyadeed ee Nairobi, joogitaanka Somaliland awgeed.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayay xukuumada Somaliland ku cabirtay sida ay uga xuntahay talaabada uu safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) kaga baxay kulankii qadada dibulumaasiyadeed ee uu madaxweynaha Kenya dibulumaasiyiinta dalalka shisheeye ugu qabtay Nairobi Salaasadii maanta.

"Xukuumada Somaliland waxay ka xumaatay talaabada uu qaaday safiirka Soomaaliya, kaasi oo maanta si deg deg ah uga baxay kulanka qado ee dibulumaasiyadeed, kulanka waxaa qabtay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, waxaana loogu talo galay dibulumaasiyiinta Nairobi jooga" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Amb Tarsan uu kulanka uga baxay joogitaanka Somaliland ee shirka awgeed "Safiirka Soomaaliya wuxuu u baxay arrin la xidhiidha aragtidiisa ku aadag ka qayb galka Somaliland ee kulanka".

Waxa kale oo qoraalka lagu sheegay in talaabadani ay muujinayso cadaawad soo jireen ah oo dowlada Soomaaliya ay Somaliland iyo dad keeda u hayso "Tani waxay si cad uga turjumaysa nacaybka iyo cadaawada mudada dheer, ee Soomaaliya ay u qabto Somaliland iyo dadkeeda".

Qoraalka ayaa ugu danbayntii lagu xusay in Somaliland ay tahay waddan madaxbannaan oo jecel in uu nabad iyo sinaan kula noolada waddamada jaarka "Jamhuuriyada Somaliland waa waddan madaxbannaan, oo dimuquraadi ah, kaasi oo doonaya in uu nabad iyo sinaan kula noolaada waddamada jaarka oo Soomaaliya ku jirto".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]