4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 14, 2022
Ciidamada dowladda oo in ka badan 12 dagaalame oo Al-Shabaab ah ku dilay howlgallo dhacay Hiiraan iyo Shabeellada hoose
 

Talaado, Juun, 14, 2022 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay ku dileen 12 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgallada ay ka sameeyeen agagaarka deegaanka Qabdho oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamadu ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan.

“Howlgalka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay ku burburiyeen saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen halkaasi oo ay lacago baad ah uga qaadan jireen dadka deegaanka,” ayaa lagu yiri war lagasii daayay warbaahinta dowladda.

Dhinaca kale, Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa maanta oo Talaado ah howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku dileen Xasan Suleymaan Cali oo la sheegay inuu ahaa xubin sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa xoojiyey howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab, si looga xoreeyo gobollada weli gacantooda ugu jirto kooxda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]