4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 14, 2022
Abiyi Axmed oo sheegay in uu sameeyay guddi wada hadal lagali doona kooxda TPLF
 

Talaado, Juun, 14, 2022 (HOL) - Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa maanta kulankii Baarlamaanka Itoobiya ka hor sheegay in ay dowladdiisu diyaar u tahay inay wada hadal lagasho kooxda TPLF, oo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya.

Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed waxa uu sheegay in uu sameeyay guddi uu hoggaaminayo Ra'iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonin, guddidaas oo kasoo baaraan dagi doona wada hadalka lala gali doono TPLF.

Abiyi Axmed ayaa baarlamaanka hortiisa ka yiri “Marka ay timaaddo nabadda, waxaa la sameeyay guddi wadaxaajood, waxaana wadaxaajoodku u baahanyahay shaqo badan, guddi ayaana loo saaray daraasad ku sameyn doona sida loo wadahadli karo".

TPLF iyo Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa muddo sannad ka badan ku dagaallamayay gudaha degaanka Tigray, iyadoo markii dambe dagaalku ku faafay degaannada deriska la ah gobolka Tigray ee Axmaarada iyo Canfarta, isku dayo hore marar ka badan la isku dayay in xal loo helo TPLF iyo dowladda Itoobiya maysan suurtoobin.

Wali kamaysan hadlin TPLF hadalkan kasoo baxay Ra'iisal wasaaraha Itoobiya  Abiyi Axmed, ee ku saabsan guddida uu sheegay inay wada hadal lagali doonaan TPLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]