4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 13, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay mas'uuliyiin sarsare oo ka socday dowladda Maraykanka
 

Isniin, Juun, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaamineyso ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo uu weheliyo Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Larry André.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal, sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Danjire Victoria Nuland ayaa sheegtay in Maraykanka uu door weyn ka qaadan doono gurmadka abaaraha dalka, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa wuxuu uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada ay ku bixiyaan Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafiska iyo xoojinta xiriirka caalamka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]