4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 13, 2022
Shirwaynihii Nabadeynta Soomaalida iyo Canfarta oo laga soo saaray qodobo muhiim ah
 

Isniin, Juun, 13, 2022 (HOL) - Shirwaynahii Nabadaynta Soomaalida iyo Cafarta oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Naaziret/Adhama ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah, oo hadday hirgalaan xal keeni kara.

Haddaba Suldaan Foozi oo kamid ah hoggaamiye dhaqameedada ka socday dhanka Soomaalida, kana mid ah guddi loo saarey dhaqan galinta xabbad joojinta labada dhinac, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirwaynahan nabadeynta Soomaalida iyo Canfarta la isku afgartay hirgalinta qodobo ay kamid yihiin xabbad joojin labada dhinac.

Iyadoo in badan la arkay markastoo heshiis noocan oo kale ah la gaaro in si hor leh u cusboonaadaan colaadda Soomaali iyo Canfar, Suldaan Foozi waxaa uu sheegay in arrinkaas ay kala hadleen dhanka Federalka oo la isku afgartay in heshiisyada la gaarayo ay goob joog ahaadaan masuuliyiinta heer federal iyo odayaal dhaqameedka labada dhinac.

"Shaqada hadda aanu qabanayno waxaa ugu horreeya in xabbad joojin deg deg ah la sameeyo laga bilaabo maanta, in aanu ku noqono labadayadii Kilil ee aanu ka kala nimid oo aanu masuuliyiintii aanu kanimid iyo anagu talo iskula noqono, inaanu anagu tagno goobihii ay dhibaatadu ka dhacday iyaguna ay yimaaddaan dhinaca xadka, ujeedadun tahay in la wacyi galiyo dadka halkaa deggan" ayuu yiri Suldaan Foozi oo kamid ah guddi 12 ah oo loo xilsaaray dhaqan galinta heshiisyada la gaaray ee Soomaalida iyo Canfarta.

Intaa kaddib Suldaanku waxa uu sheegay in la iskugu imaanayo Addis Ababa, dhaqan galka heshiiskana ay masuuliyadeedu qaadayso dowladda dhexe ee Itoobiya, isagoo ku tilmaamay heshiis walba oo aysan ku dhex jirin dowladda dhexe mid aan macno keenayn.

Heshiisyo nabadeed oo kan ka horreeyay ayaa haba yaraatee aan waxba ka hirgalin, iyadoo mar walba oo heshiis la gaaro ay kacaysay mawjado colaad ah oo horseeda barakac shacab aan waxba galabsan.

Colaadda Soomaalida iyo Canfarta oo soo noqnoqotay in badan ayaa sal u ah magaalooyin dhaca galbeedka gobolka Sitti ee dowlad degaanka Soomaalida, magaalooyinkaas oo kala ah Cundhufa, Caddayti iyo Garbaciise oo ay Soomaali deggan yihiin ayay xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar waxay go'aamisay in la hoos geeyo maamulka Canfarta, balse markii ay xukuumaddiisu dhacday ayaa waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go'aankaas xukuumadda haatan ka talisa degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]