4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 13, 2022
Fahad Yaasiin: Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo shaqaale u ah Tigreega ayaa ka been abuurtay ciidamada Eritrea lagu tababaray
 

Isniin, Juun, 13, 2022 (HOL) - Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka, Fahad Yaasiin ayaa sheegay in uusan jirin hal askari oo katirsan ciidamadii dowladda Soomaaliya udirtay Eritrea oo ka qeyb galay dagaaladii ka dhacay waqooyiga Ethiopia.

Fahad Yaasiin oo bixiyay qeybtii ugu dambeysay wareysi taxane ah oo laga qaaday, ayuu ku sheegay in jabhadda TPLF iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo u shaqeeya siduu hadalka u dhigay ay faafiyeen been abuur ku saabsan in ciidamada loo diray Eritrea loo adeegsaday colaada Ethiopia ka aloosan.

“Warka ah in ciidamadu ay ka qeyb galeen dagaalka waqooyiga Ethipia waxaa faafiyay Tigree iyo kuwa Tigreega u shaqeeya ee Soomaaliya jooga. Siyaasiin ayaa jira oo Soomaaliya jooga oo Tigreega shaqaale u ah."

Wuxuu sheegay ciidamadan inay fursad qaali u tahay dowladda madaxweyne Xasan Sheikh oo uu sheegay inay helidoonto ciidamo aad u tababaran oo dalka xasilin kara.

“Maanta madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu haystaa fursad dahabi ah oo amniga dalka uu uga shaqeyn karo. Midda kale Ciidamadan markay dalka yimaadaan oo la arko, dadkii dhihi jiray dagaal ayay ka qeyb galeen ee hooyooyinka caloosha kasoo ridi jiray, way yixi yixidoonaan,” ayuu yiri Fahaad Yaasiin.

Wuxuu ugu dambayn sheegay inuu kalsooni buuxda inay Eritrea ay tababarkii ugu fiicnaa siisay askarta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay ciidamadan in muddo fog laga faa’idaysandoono.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]