4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 13, 2022
Baanka Dahabshiil oo munaasibad mahadcelin ah u sameeyay macaamiisha
 

Isniin, Juun, 13, 2022 (HOL) - Baanka Dahabshiil, ayaa munaasibad mahadnaq ah macaamiishiisa waa wayn ugu sameeyay hoteelka Damal ee magaalada Hargaysa.

Maxamed Siciid Cawaale oo kamid ah masuuliyiinta shirkada Dahabshiil, ayaa sheegay in manaasibadan loo qabtay si macaamiisha Dahabshiil Bank loo tuso in ay yihiin qayb muhiim ah oo kamid ah banka.

"Aniga oo matalaya Dahabshiil aan kusoo dhaweeyo macaamiisha waa wayn, ee halkan aanu ugu yeedhnay, waxaanu idiinku maamuusnay xafladan caawa in Dahabshiil Bank aanu ka fogayn macaamiishiisa, oo uu marwalba u dhowyahay, oo macaamiishu ay tahy tiir kamid ah tiirarka banka" ayuu yidhi Cawaale.

Ganacsade Maxamuud Qaalib oo kamid ah ganacsatada waa wayn ee reer Somaliland oo macmiil u ah Baanka Dahabshiil, ayaa sheegay in uu mudo dheer macmiil u ahaa baanka, isla markaana uu u mahadcelinayo.

"Dahabshiil Bank, hadaanu nahay ganacsatada kaalin wayn ayuu noogu jiraa, aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa, anuu dadkii la bilaabay ayaan ahay, markaa xaalkayagu waa mahadnaq uun" ayuu yidhi Qaalib.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid, ayaa sheegay in Dahabshiil Somaliland u horseeday in ay hesho aqoonsi ganacsi, "Dahabshiil Bank waxyaabaha uu unoo fududeeyay waxaa ka mid ah, Somaliland ictiraaf ganacsi ayaynu helnay, wali ictiraaf siyaasadeed maynaan helin.

Madaxa shirkadaha Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil, ayaa sheegay in ay doonayaan in ganacsatada iyo baanka Dahabshiil isku xidhmaan, "Taladu waa wax lagu wada noolyahay, in aad afkaarta nala wadaagtaana, waa waxaanu idinka baranayno idinka laftiina, oo ay noqoto ganacsatada iyo baanka oo isku xidhan".



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]