4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 13, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Talayaaniga
 

Isniin, Juun, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee wadanka Talyaaniga Luigi Di Maio, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Talyaaniga ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan ayaa sheegay in saaxiibtinimada dheer oo taariiqiga ah ay ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya iyo in codka ay ku dhex leeyihiin Midowga Yurub ay ku kabaan horumarinta dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa dhankiisa Madaxweynaha ugu hambalyeey xilka loo doortay, isagoona u soo bandhigay sida dowladda Talyaaniga ay ugu garab taagan tahay qorsheyaashiisa hormarineed ee ku qotoma Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in dowladda Talyaaniga ay kala shaqeynayso dowladda Federaalka Soomaaliya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, gurmadka abaaraha, deyn cafinta iyo in la xoojiyo maalgashiga caalamiga ah ee khayraadka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii dib loo doortay waxa uu waday dadaal xoogan oo ku bixinaayo sidii uu u wanaajin lahaa xiriirka dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya dunida inteeda kale, isagoona sameystay hal ku dhig ah Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online