4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 13, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh "Waxaa na dilay wax walba gadaal halaga soo bilaabo iyo waa markii ugu horaysay"
 

Isniin, Juun, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa ballanqaaday inuu fulindoono heshiiskii 27 may ee sannadkii hore, kaas oo dhigayay in muddo labo sano gudahood ah lagu dhameystiro dhammaan qorshayaasha dowladda ee hortabinta leh.

Madaxweynaha oo xalay kulan la qaatay xildhibaannada labada aqal ee barlamaanka, ayaa sheegay inuusan noqon mid wax walba Kow kasoo bilaaba, islamarkaana uu tixgelindoono waxyaabihii ay ku guulaysatay dowladdi iyo xukuumadii hore.

“Waxaa na dilay wax walba gadaal halaga soo bilaabo iyo waa markii ugu horaysay. Waxaan leennahay annaga waan ka ducaysanay waa markii ugu horaysay. Wixii soo socday ee naga horreeyay waa sidii loo qabtay. Wixii noo harsan oo la qaban waayayna waan ku guulaysanaynaa,” ayuu yiri Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay inuu qabandoono doorasho fudud oo aan lagu dhibaatoon doonin, islamarkaana uusan waqti badan ummadda Soomaaliyeed ku bixidoonin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]