4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 13, 2022
Faysal Cali Waraabe: Madaxweyne Muuse waxa uu lumiyay kalsoonidii shacabka
 

Isniin, Juun, 13, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in mudoharaad kooban oo reer Ceerigaabo kala hor yimaadeen madaxweynaha Somaliland uu caddayn u yahay in uu waayay kalsoonidii shacabka.

Guddoomiyaha, ayaa madaxwayne Biixi kula taliyay in uu iscasilo, isla markaana xilka ku wareejiyo madaxweyne ku xigeen kiisa, waxaana uu ku andacooday in joogista madaxwaeyne Biixi ay Somaliland khal khal galinayso.

"Mudoharaadka Ceerigaabo ee aan cidna soo abaabulin waxa uu muujinayaa, sida madaxweyne Muuse u lumiyay kalsoonidii shacabka, waxan kula talinaya saxibkay in uu iscasilo kuna wareejiyo xilka inta u hadhay ku xigeenkiisa, si dalka looga badbaadiyo fowdo iyo burbur" ayuu yidhi Faysal.

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa madaxweyne Biixi oo Ceerigoobo safar ku jooga ka codsaday in uu doorashada wakhtigeeda ku qabto, shacabka ayaa ku dhawaaqayay 'doorasho, doorasho'.

Khilaafka u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumada Somaliland ayaan wali la xalin, inkasta oo ergo is xilqaantay ay arrinta gacanta ku hayso.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]