4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2022
Ergayga Gaarka ah ee Abaaraha Soomaaliya oo dalab xasaasi ah u diray Xildhibaanadda labada Aqal ee Soomaaliya
 

Axad, Juun, 12, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha dowladda Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Golayaasha Baarlamaanka 11-aad ee dalka si wadajir ah u siiyay warbixin guud oo ku saabasan xaaladda abaarha ee dalka.

Ergayga ayaa Xildhibaanada labada aqal la wadaagay in 7.1 Milyan, Todobo malyan iyo boqol kun oo qof oo Soomaali ah ay abaaruhu saameeyeen, dhamaan gobolada dalkana ay ka taagan yihiin xaalado bini’adannimo oo ka jawaabid iyo gurmad deg deg ah u baahan.

Ergayga sidoo kale sheegay in dadka abaaruhu wax yeeleeyeen ay ka qaxayaan guryahoodii una diga roganayaan kaamamka qaxootiga ee ku yaala  magaalooyinka waa weyn, si ay u helaan nolol dhaanta mida Miyiga ay ku ceyrtoobeen, isagoona xusay in qeyb ka mid ah dadku ka barakacayaan dhibaatada ay ku hayaan Al-Shabaab.

“Todobo malyan iyo boqol kun oo qof oo Soomaali ah ayay abaaruhu saameeyeen, Shan malyan iyo labo boqol oo kun oo ka mid ah ayaa halis ugu jira in ay abaaruhu wax-yeelleeyaan, halka ay laba boqol iyo konton kun oo ruux ay macluul qarka u saaran yihiin” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Wuxuu intaasi ku daray Ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha Soomaaliya u qaabilsan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in hal malyan iyo bar ka mid ah dadka abaartu saameyaay ay yihiin carruur, kuwaas oo 400,000 oo ka mid ah ay nafaqodarro hada wajahayaan, halka ku dhawaad hal malyan oo ruux ay guryahooda ka barakaceen, islamarkaana waxuu nasiibdarro ku tilmaamay in mushkiladda intaas la eg aysan bulshadu wali ku baraarugsaneyn.

Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, ayuu ugu baaqay in abaartu ay noqoto Ajendaha 1-aad, kana codsaday in qeyb ka mid ah mushaarkooda ku tabarucaan dadka tabaaleysan, halka guddoonka Labada Aqal iyo guddigii doorashooyinka, Wasaaradda Maaliyadda uu ka codsaday in lacagihii ka soo xarooday doorashada qeyb miisaan leh laga siiyo gurmadka abaaraha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online