4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2022
Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo War martiyeed dhowr qodob ka kooban laga soo saaray
 

Axad, Juun, 12, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Axad ah kusoo gabagaboobay magaalada Muqdisho shirki madaxda golaha wadatashiga qaranka Soomaaliya uga socday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kaasoo laga soo saaray war murtiyeed ka koobnaa dhowr qodob.

Shirka madaxda golaha wadatashiga qaranka ayaa mudadii u socday waxaa diirada lagu saaray qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya oo ay ugu horeyso xoojinta, wada shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, dib u heshiisiinta, dhammeystirka Dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hanaanka doorashooyinka dalka.

Madaxda wadatashiga qaran ayaa sidoo kale isku raacay qabyo tir iyo dhamaystir waqtiyaysan oo lagu dul dhiso guulihii horay looga gaaray dib u eegista Dastuurka dalka , islamarkaana ay noqdaan mid ay u wada dhanyihiin dhamaan heerarka dowladda iyo qaybaha bulshada.

Golaha wadatashiga qaran ayaa isku raacay in si wadjir ah loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu hala keeyeen, islamarkaana ay lama huraan tahay in xal waara loo helo abaaraha kusoo noqnoqday gudaha dalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso War murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhameystiran:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online