4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2022
Fahad Yaasiin: Magacaabidda Mahad Salaad waxay ka dhigan tahay in xogtii amniga dalka gacanta loo galiyay Alshabaab
 

Axad, Juun, 12, 2022 (HOL) - Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin ayaa ku eedeeyay agaasimaha cusub ee hay’adda NISA, Mahad Salaad inuu xiriir weyn la-leeyahay ururka Alshabaab islamarkaana uu qeyb ka ahaa weeraro iyo shirqoolo saraakiil badan lagu qaarajiyay.

Fahad Yaasiin waxa uu sheegay magacaabidda Mahad Salaad inay ahayd qalad weyn oo uu galay madaxweyne Xasan Sheikh, isagoo sheegay inay ka dhigan tahay in xogtii amni ee dalka loo gacanta galiyay Alshabaab.

“Waanka naxay ninkaas markii loo magacaabay xilka NISA, Xitaa Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh warqad ayaan u qoray inuu Mahad Salaad u dhiibin xilkaas, Laakiin si Saaxiibtinimo ah ayuu ugu dhiibay,” ayuu ku yiri  Fahad wareysiga lala yeeshay.

Fahad oo ka hadlayay qeybtii afaraad wareysi taxane ah oo laga qaaday wuxuu ku sheegay inuu hayo caddaymo ku saabsan in Mahad Salaad uu kamid yahay dadka Alshabaab kala shaqeeya inay Muqdisho qaraxyo soo galiyaan iyo fududaynta goobaha lala beegsanayo.

Waxyaabaha uu Fahad ku eedeeyay Mahad Salaad waxaa kamid ah inuu iskudayay inuu dilo mid kamid ah raysal wasaaraayashii dalka soo maray, isagoo ka gaabsaday inuu magaciisa xuso.

“Wuxuu isku dayay inuu dilo Raysal Wasaare hore, Qorshahaas markaan ogaaday ayaan wacay Raysal Wasaarihii, waxaana ku idhi Mahad Salaad miyaad kulan la leedahay, Haa ayuu igu dhahay, Kadib waxaan ku idhi iska baaji kulankaas xaalad amni darro darteed, Xogtaas aan ogaaday darteed ayuu Raysal Waasaarihii ku nool yahay maanta,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

“Mar labada aqal madaxweynuhu shir ugu furayay iskool Boolisiya, Mahad wuu qorsheeyay oo Alshabaab kala shaqeeyay oo Mahad Karataay oo uu u shaqeeyo kala shaqeeyay, meeshaas in labo baabuur oo qarax ah lasoo galiyo. Waxaan wacay guddoomiyaha aqalka sare iyo madaxweynaha, waxaan u sheegay in shirka sababo amni awgood loo baajiyo, waana la baajiyay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin wuxuu sidoo kale eedayntiisa ku sheegay in Mahad Salaad uu wax ka abaabulay dilkii taliyihii NISA ee Dhuusomareeb, Qooje yare iyo qaraxii 18kii decemeber ee 2020, ka dhacay Gaalkacyo ee lagu dilay taliyihii ciiddanka milatariga qeybta 21-aad Qooje Dagaari, taliyihii Danab iyo saraakiil kale.

Fahad Yaasiin wuxuu sheegay iyadoo NISA og arrimahan oo idil in haddana aysan awoodin inay Mahad Salaad tallaabo ka qaado, isagoo sheegay inuu isku ilaalinayay xasaanadda xildhibaanimo. Wuxuuse hadda ku baaqay in lala xisaabtamo. Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu soo bandhigo caddeymihiisa.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]