4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2022
Guddoomiye Aadan Madoobe: Haddaan jiif rabno ma ahayn inaan xildhibaan soo doonano
 

Axad, Juun, 12, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa si kulul u cambaareeyay in tiro ka yar 70 xildhibaan ay soo xaadireen fadhigii ay maanta yeesheen xildhibaannada labada aqal ee barlamaanka.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa sheegay in si degdeg ah wax looga beddelidoono habka baarlamaanku u shaqeeyo, isagoo caddeeyay in aanay suurtagal ahayn in xildhibaan laga rabay  waajibaadkisa qaran uu iska seexdo gurigiisa.

Guddoomiye Aadan Madoobe wuxuu sheegay barlamaanku inuu maalinta berrito dhameystiridoono xeer hoosaadka barlamaanka, isagoo sheegay inay waajib ku tahay xildhibaanku inuu yimaado kalamada barlamaanka.

Kulanka labada aqal ayaa lagu waday in wasiirka maaliyadda wax looga weydiiyo miisaaniyadda dalka ee 2022, kadibna ay cod u qaaadaan. Hase ahaatee kooramka la’aanta barlamaanka ayaa keentay in aan miisaaniyadda la meel marin.

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle ayuu barlamaanku ka dhageystay warbixintiisa ku saabsan maaliyadda dalka.

Waa markii labaad oo labo todobaad gudaheed ah uu barlamaanku gudan waayo waajibaadkiisa dastuuri ah sababa la xiriira kooram la’aanta ku yimid kulamada barlamaanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]