4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2022
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Maanta lagu soo gabagabeynaayo magaalada Muqdisho

Axad, Juun, 12, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka golaha wadatashga qaranka ee Shalay ka furmay gudaha madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkaan wadatashiga qaran oo uu shir guddoominaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka qeyb galayaan Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ah mid looga arinsanaayo arrimaha dib u heshiisiinta, amaanka, wada shaqeynta, doorashooyinka, qabyo tirka Dastuurka, Wax ka qabashada Abaarta iyo qodobo kale sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Galinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in shirka golaha wadatashiga Qaranka ee shalay furmay laga soo saaro war murtiyeed lagu cadeynayo qodobada ay ku heshiiyaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirkaan wadatashiga Qaran ayaa noqonaya shirkii labaad ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyo Madaxweynaha dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo sagaalkii bishaan si rasmi ah loogu caleema saaray xilka madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]