4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya

Axad, Juun, 12, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Soomaaliya Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, isagoona kala hadlay kaalintooda ku aadan ka qeyb qaadashada gurmadka abaaraha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga gudaha dalka Soomaaliya iyo hirgelinta barnaamijka shaqo abuur qaran ee uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhawaaqay, isagoo uga mahadceliyey ganacsatada dadaalada ay ku bixiyeen adkeynta dowladnimada.

Ganacsatadaan oo magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka Caleemo saarka Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Xilka loo doortay, waxa ayna ballan qaadeen in ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan gurmadka abaaraha dalka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa marar badan waxay horay uga qeyb qaateen gurmadyo loo sameeyay dadka Soomaaliyeed ee ku ceyrtoobay abaaraha soo noqnoqday.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online