4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2022
Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo yeelanaya kulankii ugu horeeyay doorashadii madaxweynaha kadib

Axad, Juun, 12, 2022 (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in uu jiro kalfadhi wadajir ah oo ay yeelanayaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha Kalfadhigan ayaa lagu sheegay akhrinta Koowaad ee Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee 2022-ka.

Tan iyo sidii ay u dhacday doorashadii madaxweynaha dalka weli barlamaanku ma yeelan kulan rasmi ah. Waxaana maalmo dhowayd fashilmay kulan loo ballansanaa in looga doodo Ajandaha Xeer-hoosaadka Golaha shacabka

kulankaas ayaa markii dambe dib loo dhigay ka dib markii xildhibaannadu ay soo wada xaadiri waayeen.

kulankaas oo ay soo xaadireen 70 Xildhibaan ayuu guddoomiyuhu sheegay in xildhibaanada maqan si deg deg ah ay u soo xaadiraan Baarlamaanka, isla markaana dib la iskugu soo laabto 12 June oo maanta ah.

Kooramka la’aanta barlamaanka ayaa loo tirinayaa iyadoo xildhibaanno badan ay dalka ka baxeen markii ay dhacday doorashadii madaxweynaha Soomaaliya. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]