4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2022
Fahad Yaasiin: Raysal wasaare Rooble, Mahad Salaad iyo Alcaddaala ayaa iska kaashaday shirqoolkii lagu dilay Ikraan Tahliil
 

Sabti, Juun, 11, 2022 (HOL) - Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Fahad Daahir Yaasiin ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble, agaasimaha NISA, Mahad Salaad iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxman Alcaddaala, inay ka dambeeyaan shirqoolkii lagu dilay Ikraan Tahliil Faarax.

Fahad Yaasiin ayaa qeybtii saddexaad wareysiyo taxane ah oo lala yeeshay wuxuu ku sheegay, in saddexdaas masuul oo kaashanaya wadamo shisheeye oo doonaya sida uu tilmaamay inay hay’adda NISA burburiyaan, ay Ikraan Tahliil u gacan galiyeen ururka Alshabaab.

Fahad wuxuu sheegay sababta loo dilay Ikraan Tahliil inay ahayd in hay’adda NISA oo uu sheegay inay dagaal la gashay faro galinta shisheeye, hoos loogu dhigo sumcaddeeda, dalkana la galiyo qalqal amni.

“Gabadhaas (Ikraan) waxay shaqo u raadsatay xafiiska raysal wasaaraha. Gabadhu meesha ay ka sugaysay in la shaqo la siiyo, baa dad mu’aamarad ka shaqeynayay, rabay in dalkaan ay galiyaan qalqal amni, waxay u isticmaaleen gabadhaas in nafteeda qatar la galiyo, masuuliyadda koowaadna qofka qaadaya Maxamed Xuseen Rooble waaye,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Wuxu kaloo yiri,” Gabadhaas maalintii gaariga lagusoo qaadayay waxaa lagu ballamiyay wasiir ku xigeenka warfaafinta, isagoo ku yiri raysal wasaaraha ayaa shaqo ku siinaya, oo maalmahaas ayay ku noqnoqotay xafiiska raysal wasaaraha, shaqaa lagu siiinaa ayaa la yiri.”

Wuxuu sheegay in gabadha lala kulansiiyay Mahad Salaad oo xilligaas ahaa xildhibaan katirsan barlamaanka. Wuxuu sheegay in gaari kale lagu qaaday oo la geeyay xaafadda Daarusalaam. Fahad wuxuu sheegay in lagasii qaaday oo lasii marsiiyay shabeeladda hoose kadibna la geeyay meel u dhow magaalada Jilib, halkaas oo uu sheegay in Ikraan lagu dilay.

Fahad Yaasiin wuxuu wareysigiisa ku sheegay in baaritaanka caddeymaha kiiska Ikraan loo diiday inuu usoo bandhigo guddiga amniga qaranka, isagoo sheegay in la qaaday afar tallaabo oo kala ah, in shaqada laga joojiyay, in taliye cusub loo magacaabay NISA, in Jabuuti lagu xayiray iyo in la diiday in la qabto shirka amniga qaranka, si uu warbixintiisa usoo bandhigo.

Fahad Yaasiin wuxuu sheegay in qorshaha Jabuuti loogu xayiray ay ahayd in la afduubo, iyadoo aan cidina ka war haynin, hase ahaatee wuxuu sheegay inuu ku badbaaday qoraal dowladda Soomaaliya u qortay Jabuuti oo lagu sheegay in haddii isaga wax gaaraan loo haysto  oo ay masuul ka tahay dowladda Jabuuti.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]