4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo golaha wakiilada u gudbiyay xubnaha guddida doorashooyinka
 

Sabti, Juun, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa golaha wakiilada u gudbiyay 7 xubnood oo noqon doona guddida doorashooyinka ee cusub kadib markii dhamaan xubnihii guddida doorashooyinka ee hore is wada casileen.

Xubnahan oo 3 kamid ah uu madaxweyne Biixi soo magacaabay, 2 kamid ahna ay ka yimaadeen axsaabta mucaaradka, 2-da kalena ay kayimaadeen golaha guurtida, ayuu madaxweynuhu u gudbiyay golaha wakiilada sida lagu sheegay wareegto madaxtooyada kasoo baxday.

"Sida aad la socoto, waxa is-wada casilay xubnihii komishanka doorashooyinka qaranka. Sidaas darteed, waxa aan halkan ku soo gudbinayaa toddobada xubnood ee loo soo xulay in ay noqdaan komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub, si waafaqsan qodobka 15aad, Faqraddiisa 4aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha".

Xubnaha losoo xulay guddida doorashooyinka ee cusub ayaa kala ah Muuse Xasan Yuusuf, Axmed Cismaan Xasan, Xuseen Cabdi Cali oo uu Madaxweynuhu soo xulay, Axmed Yuusuf Maxamed, Faadumo Ismaaciil Cabdi oo  Golaha Guurtida ka socda iyo Cabdicasiis Xirsi Warsame oo xisbiga Waddani soo xulay iyo Ibraahim Aadan Cali oo UCID ka socda.

Xubnahan ayaa hadii ay ku guulaystaan kalsoonida Golaha Wakiilada Somaliland, waxay si rasmi ah u noqon doonaan guddida doorashooyinka ee cusub.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]