4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furay shirka golaha wadatashiga qaran

Sabti, Juun, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka golaha wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas aoo maanta ka furmay xarunta madaxtooyada.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa diiradda lagu saarayaa qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Sida madaxtooyadu sheegtay, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa shirkan ku faaqidi doona dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda abaaraha iyo diyaarinta doorashooyinka dalka.

Waa shirkii Labaad ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu la yeesho golaha wadatashiga qaran, wuxuuna kusoo aadayaa xilli la filayo maalmaha soo socda in madaxweyne Xasan Sheikh uu magacaabo raysal wasaaraha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]