4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2022
Xubin ka tirsanaa dagaalyahanada Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

Sabti, Juun, 11, 2022 (HOL) - Taliska ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo, ayaa magaalada Garbahaarey ku soo bandhigay xubin mudo dheer ka tirsanaa Al-shabaab, kaasoo lagu magacaabo Cabdicasiis Maxamuud Diiriye.

Cabdicasiis Maxamuud ayaa ka soo goostay dagaalamayaasha Al-shabaab oo uu ka mid ahaa mudo 12-kii sano ah, isagoona kasoo qeyb qaatay dagaalo badan oo ka dhacay inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in sababaha uu Al-shabaab uga soo tagay ay ka mid tahay, kadib markii uu u adkeysan waayey xaalada ay ku sugan yihiin iyo dhibaatooyinka loo geysto shacabka Soomaaliyeed, taasina ay sababtay inuu qaato go'aanka ah inuu isku dhiibo ciidanka Nabadsugida Qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo.

Waxaa mudooyinkii dambe si aad ah usoo kordhaayay dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online