4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2022
Boqoradda Ingiriiska oo usoo hambalyaysay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud

Sabti, Juun, 11, 2022 (HOL) - Boqoradda Ingiriiska, Queen Elizabeth ayaa fariin gaar ah oo hambalyo ah usoo dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aadan doorashadiisa, sida ay sheegtay safiirka dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Kate Foster

“Waxaan kuugu hambalyeynayaa inaad noqoto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan rajaynayaa saaxiibtinimada diirran iyo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya labadeena dal uu sii jiri doona inta aad xilka hayso. Waxaan idiin soo jeedinayaa salaan wanaagsan adiga iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayay tiri boqoradu.

Farriinta boqorada ayaa laga sheegay xuska sannad-guurada 96-aad ee boqoradda Ingiriiska oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeynb galeen masuuliyiin dowladda Soomaaliya ka socday iyo diplomaasiyiin.

Waa markii ugu horraysay oo Muqdisho lagu qabto xuska dhalashada boqorada Ingriiska tan iyo bilawgii COVID-19, oo la joojiyay dabbaaldegga xafladda dhalashada boqoradda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]