4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2022
Faahfaahin iska horimaad dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Bosaso

Sabti, Juun, 11, 2022 (HOL) - Saddex askari oo katirsan ciiddanka Puntland ayaa ku geeriyooday, tiro kale oo shacab ku jiraan way ku dhaawacmeen iska hor imaad shalay oo jimco ahayd magaalada Boosaaso ku dhexmaray ciidamada Booliiska iyo kuwa PSF.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay agagaarka xeebta magaalada Boosaso, iyadoo la sheegay inuu salka ku hayay kala shaki dhexmaray labada ciiddan, waxaana askarta geeriyootay ay ka socdeen ciidamada Booliiska Boosaaso.

Illaa iyo hadda laamaha amniga iyo kuwa maamulka kama aysan hadlin dhacdadan, taasoo xiisad hor leh ka abuurtay magaalada Bosaso oo ay horey uga dhaceen dagaalo dhexmaray ciidamada, arrintaas oo keentay inay hoos u dhacdo is aaminaada laamaha amniga.

Iska hor imaadkaan ayaa kusoo aaday, iyadoo magaalada Boosaas uu amnigeeda soo hagaagayo, kadib markii bilihii lasoo dhaafay ay joogto ka noqdeen qaraxyo ay geysanayaan kooxda Alshabaab.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online