4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2022
Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay mudaharaadadii ay qorsheeyeen
 

Sabti, Juun, 11, 2022 (HOL) - Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland oo warbaahinta la hadlay, ayaa dhankooda sheegay in ay aqbaleen ergadii  waxgaradka isla markaana ay joojiyeen mudoharaadadii saaka loo balan sanaa.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa codsiga uga yimid wax garadka ka sakow, sheegay in uu sidookale codsi uga yimid beesha caalamka oo ka codsatay in ay hakiyaan mudoharaadka, iyaga oo u sheegay in mudahraadku amaanka Somaliland khatar ku yahay.

"Waxa noo yimid 19 ah dadkii xulka ahaa ee reer Somaliland oo qaarkood Awdal ka yimaadeen, qaarkoodna Togdheer ka yimaadeen, oo noo sheegay in 31 ergo ah ay ku socdaan, isla markaana waxa nala soo hadlay dadkii naga caawin jiray doorashooyinka, waxay yidhaahdeen hadii aad hirgalisaan mudoharaadkaa, Somaliland way u dhamaanaysa" ayuu yidhi Faysal.

Waxa kale oo uu sheegay in ay xeeriyeen ardayda dugsiyada dhexe iyo sare oo saaka imtaxaankii shahaadiga ahaa u fadhiisanaya guud ahaan Somaliland, waxa uu sheegay in ay ka cabsadeen in ay dhibaato u gaystaan ardayda.

"Waa ogtihiin Sabtida waxa la galaya imtaxaamadii iskuuladeena, hadaanu berrito ka qash qashno dadka masaakiinta ah ee caruurta lacagtooda wax ku bara, ee dirayska u iibiya, ee kubada u iibiya, intii anuu aan bilaashka ku heli jiray markaan ardayga ahaa, hadaanu ka qash qasho berrito saw inkaari nagu dhicimayso" ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhankiisa sheegay in anay gabi ahaanba mudaharaadada joojin lakiin ay hakiyeen si ay fursad u siiyaan guddida dhexdhexaadinta ee is xilqaantay.

"Manaan joojin mudoharaadyadii lakiin waanu hakinay wakhti kooban oo ah in aanu fursad siino guddidii nootimid, oo ah ergo qiimo leh, qaybaha bulshada ka wada kooban, intii bulsho lagu aamini jiray ah, anaga oo taa ixtiraamayna ayaanu kalsooni u siinay in aanu u hakino" ayaa yidhi Xirsi.

Woxogaa heshiis hordhac ah ayaa lakala dhex dhigay xukuumada iyo mucaaradka, waxaana xabsiga laga siidaayay guddoomiye ku xigeenkii xisbiga Waddani Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), waxaana la filayaa in saraakiisha kalena maanta lasii daayo, dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland ayaa mucaaradka gogol wadahadal u fidiyay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]