4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2022
Guddoomiye ku xigeeno ka tirsan xisbiga Waddani oo xabsiga loo taxaabay
 

Jimco, Juun, 10, 2022 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabbeeye) iyo Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarje), oo ah guddoomiye ku xigeeno ka tirsan xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Xadhiga masuuliyiintan ayaa imanaya, xili guddi dhexdhexaadin oo iskeed isku xilqaantay ay xukuumada ugu baaqday in la joojiyo qab-qabashada iyo xadhiga masuuliyiinta mucaaradka si loo ambo qaado xalinta khilaafka xukuumada iyo mucaaradka.

Xadhigan labadan masuul ayaa 9 ka dhigaysa, tirada saraakiisha xisbiyada mucaaradka ka tirsan ee tan iyo shalay xabsiga loo taxaabay, kadib mudaharaad kooban oo ay sameeyeen axsaabta mucaaradka subaxdii Khamiistii kaasi oo sababay khasaare ilaa 10 qof oo dhawac ah kadib markii ay ciidamadamu xoog ku hor istaageen

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo qoraal ku baahiyay bartiisa Facebook, ayaa xadhigan masuuliyiintan ku tilmaamay, in ay caddayn u tahay in xukuumadu ay sharcigii laashay.

"Xukuumadda Biixi in aanay sharciga wax dan ah ka lahayn hore ayay u caddaysay, Xamarje iyo masuuliyiinta kale ee mucaaradka ah ee xidhanina waa ay soo bixi doonaan, hase yeeshee taageerayaasha dhiirran ee xisbiga Waddani iyo shacbiga Somaliland ee u taagan badbaadada dalka cidna ma hor istaagi karto" ayuu yidhi Xirsi.

Sarakiisha kale ee shalay la xidhay, ayay tirradoodu gaadhaysa ilaa 7 xubnood oo iskugu jira xogeeyayaal, xoogeye ku xigeeno, guddoomiyayaasha xisbiyada u qaabilsan gobolka Maroodijeex, iyo odayaal kale.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]