4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2022
Fahad Yaasiin: Axmed Madoobe waa mashruuc Ajnebi oo lagu beeray Soomaaliya
 

Jimco, Juun, 10, 2022 (HOL) - Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida Soomaaliya, Fahad Yaasiin oo wareysi gaar ah lala yeeshay ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jubbaland, isagoo ku tilmaamay mashruuc Ajnebi oo lagu beeray Soomaaliya.

Fahad Yaasiin oo wajigiisa ay ka muuqatay caro, ayaa Axmed Madoobe ku tilmaamay Kansar ku jira siyaasada Soomaaliya, Maalinta uu ka baxana uu aaminsan yahay inuu dalku hagaagayo.

Fahad Yaasiin wuxuu sheegay Axmed Madoobe inuu la diriray dhammaan madaxweynayaashii Soomaaliyeed ee ka dambeeyay Cabdiqaasim Salaad Xasan. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dan- Soomaaliyeed inuusan kursiga ugu fadhiyin.

"Marar badan ayaa Kenya ku dhahnay, Soomaaliya arrimaheeda faraha kala baxa, Jubbaland faraha ka qaada. Wixii aad Jubbaland uga baahan yihiin Xamar kalasoo xiriira. Xataa waxaan gaaray iyadoo masuuliyiin Kenyan ah fadhiyaan inaan dhaho, “Axmed Madoobe u sheega, madaxweynahaaga Farmaajo waaye, ma ahan Kenya. Ixtiraanka uu u muujinayo Kenya, waxaa ka mudnayd Soomaaliya"ayuu yidhi Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin wuxuu sheegay marar badan inay iskudayeen inay Axmed Madoobe ka wada hadlaan masaalixda Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inay dhankiisa ka socon weyday, sida uu sheegay.

Fahad wuxuu sheegay sababta ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya inay tahay fara galinta ay Kenya ku hayso Jubbaland. Wuxuu sheegay Kenya inay Axmed Madoobe ku hayso kursiga si ay danaheeda gaarka ah ufushato, sida uu hadalka dhigay.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]