4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2022
Mudaharaadyadii ay qorsheeyeen xisbiyada mucaaradka Somaliland oo la hakiyay
 

Jimco, Juun, 10, 2022 (HOL) - Guddi dhexdhexaadin oo is xilqaantay, ayaa ku guulaysatay in ay mucaaradka Somaliland ku qanciso in la joojiyo mudaharaadyadii ay qorsheeyeen maalinta Sabtida, isla markaana ay miiska wadahadalada kusoo noqdaan.

Afhayeen u hadlay guddida isku xilqaantay dhexdhexaadinta mucaaradka iyo xukuumada, ayaa sheegay in kadib shirar ay la galeen madaxda mucaaradka Somaliland ay ku heshiiyeen, in la joojiyo mudaharaadkii la qorsheeyay maalinta Sabtida, in miiska wadahadalada lagu soo laabto iyo in la joojiyo hadalada xanafta leh.

"Waxay isla garteen in layskugu yimaado miiska wadahadalka iyada oo la ixtiraamayo dastuurka qaranka iyo Shareecada Islaamka, in la hakiyo mudaharaadkii ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradku inta ay socoto dhexdhexaadintu, in la joojiyo hadalada xanafta leh ee keenaya kala fogaanshaha".

Waxa ay sheegeen in labada xisbi mucaarad ay kalsooni siiyeen guddida kadib markii ay ka codsatay, waxay guddidu xukuumada ka codsatay in ay joojiso xadhiga masuuliyiinta mucaaradka, inta wadahadaladu socdaan, waxayna guddidu shacabka ugu baaqday in ay dajiyaan xiisada.

Guddidan oo iskugu jirta salaadiin, culimo iyo ganacsato, isla markaana ka kala yimid dhamaan gobolada Somaliland, ayaa sheegay in ay xukuumada Somaliland kusoo horeeyeen lakiin uu mudaharaadku dhacay iyaga oo shir kula jira saraakiil xukuumada ka tirsan galinkii hore ee Khamiista, sidaana uu kulankii ku istaagay.

Guddida oo hada ka kooban 31 xubnood oo iskood isku xilqaamay, ayaa sheegay in ay sidookale sugayaan ergooyin kale oo aan wali caasimada Hargaysa soo gaadhin.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]