4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo beesha caalamka ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii looga hortagi lahaa macluusha
 

Jimco, Juun, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku booriyay qurba-joogta Soomaaliyeed iyo caalamka inay kaalin ka qaataan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay inay jirto cabsi laga qabo in meelaha qaar gaajo ay ku dhufato. Wuxuu ballanqaaday inay dowladdiisa dadaal kaste ku bixindoonto sidii abaarta wax looga qaban lahaa.

"Xaaladahaas waxaa keenay dhibaatooyin is-urursaday oo ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada, burburka ilihii dhaqaalaha iyo daciifnimada hay'adaha dowladda, sidaas darteed, dowladdaydu waxay sameyn doontaa hay'ad u dooda arrimaha deegaanka," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliya ku nool ay la ildaran yihiin gaajo, halka in ka badan 200,000 oo qofna ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Abaarta ayaa sidoo kale ku dhufatay dalalka deriska la ah Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo madaxweynayaashoodu ay ka mid ahaayeen madaxdii  ka qeyb galaysay caleemo saarka madaxweynaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]