4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2022
ONLF " Dadka Soomaalida inay wax isku yihiin oo ONLF aan Muqdisho laga xigin in la tuso weeyaan Itoobiya"
 

Jimco, Juun, 10, 2022 (HOL) - Afhayeenka Ururka ONLF Cadaani Hirmooge oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay martiqaadkii ONLF ay ka heshahay xukuumadda Soomaaliya ee ay ku tageen Muqdisho si ay uga qayb galaan Caleema saarkii shalay ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenku waxa uu tilmaamay in Muqdisho oo hadda ka hor laga soo dhiibay qaar kamid ah xubnaha u sarreeya ONLF, marna looga aqoonsaday ONLF Argagaxiso, in maantana lagu martiqaado Caleema saarkii Madaxwaynaha Soomaaliya ay tahay mid ay aad ugu faraxsan tahay ONLF, isla markaana ay muujinayso in Muqdisho Cimaamadii hadda ka hor ka dhacday ay soo ceshatay.

"Dowladdan cusub ee Soomaaliya waxaan ka rajaynaynaa inay shacabka Soomaaliyeed u adeegto, oo Jamhuuriyadii dib loosoo dhiso, dadka Soomaaliyeed dib loo mideeyo, Khilaafaadka siyaasiga laga dhex saaro oo Gobolladan iyo Xukuumadda iska lalmada meesha ka baxdo, ayaan rajaynaynaa" ayuu yiri Cadaani Hirmooge Afhayeenka ONLF.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay Afhayeenku martiqaadkii ay sida gaarka ah ONLF uga heshay Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ONLF ay tahay xisbi ka diiwaan gashan Itoobiya, sidoo kale dowladda Itoobiya oo isku duubana ay si gooni ah loogu martiqaaday Muqdisho, waxa uu sheegay Afhayeenku in taasi aysan dhibaato ku keenayn Ururka ONLF.

"ONLF waxay heshiis la gashay Itoobiya, iyadoo xafiisyo badana ku leh dunida oo dhan, Muqdishana waa Hooyadii Soomaalida, dadka Soomaalida inay wax isku yihiin oo ONLF aan Muqdisho laga xigin in la tuso weeyaan Itoobiya, ONLF ma yeelayso in xarig yar oo ay Abisiniya (Itoobiya) samaysatay uu dabro, mana yeelayno taas, xitaa hadday rabto haku qandhato" ayuu yiri Cadaani Hirmooge Afhayeenka ONLF.

Ugu dambayn, Afhayeenku waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya, si nabadgalyadu ay u sal dhigtana dadlka iyo dadka laga qabto nimanka dagaalka ku wada dowladda, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenku.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]