4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2022
Madaxweynaha Kenya oo ballanqaaday inuu furayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya
 

Jimco, Juun, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u balan qaaday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, in uu dib u furi doono xuduudaha labada dal.

Isagoo ka hadlayay xafladdii caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheikh, Uhuru wuxuu sii ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo kordhin lahaa duulimaadyada Muqdisho.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in tallaabadani ay sare u qaadi doonto ganacsiga labada dal, isla markaana ay xoojin doonto dhaqaalaha labada waddan.

“Anigu shaqsiyan waxaan idinka rajaynayaa in aan idinkala shaqeeyo sidii aad u jebin lahaydeen dhammaan caqabadahaas ganacsi si aan u furno xuduudahayaga, isla markaana aan u samayno isku xirka hawada ee labadayada dal si dadkeenu ay u wada horumaraan.

“Runtii Kenya waxay aqoonsan tahay in xasiloonideenna iyo wanaaggeenna dhaqaale ay ku tiirsan yihiin Soomaaliya iyo gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Uhuru ayaa shalay safray ku tagay Soomaaliya isagoo ka qeyb galay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha.

Uhuru Kenyatta wuxuu Muqdisho ku tagay diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Cirka Kenya, iyadoo khubarada ammaanka ay sheegeen in tani ay sabab u tahay amni darrada gobolka ka jirta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]