4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2022
Fahad Yaasiin sidee ayuu u arkaa in loogu yeero mulkilaha dowladdii madaxweyne Farmaajo?
 

Jimco, Juun, 10, 2022 (HOL) - Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida iy sirdoonka qaranka NISA, Fahad Yaasiin oo bixiyay wareysigiisii ugu horeeyay ee lala yeesho, ayaa sheegay inuu si aad ah uga xun yahay in loogu yeero mulkilaha dowladda.

Fahad Yaasiin ayaa iska fogeeyay sida lagu eedeeyay inuu ahaa shakshsigii ugu awoodda badnaa dowladdii madaxweyne Farmaajo, wuxuuna aflagaado ku tilmaamay in shakhsi dowladda katirsan oo shaqaale ah loogu yeero mulkile dowladdeed.

“Ereyga mulkiilaha erey asluubaysan ma aha, Waa erey aan ka xumahay in dad masuuliyiin ah oo waawayn ay isticmaaleen. Kuma haboona dalka in la yiraahdo hebel ayaa mulkiile ah,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay sababta loogu yeeray mulkiilaha dowladda inay tahay, inuu aad uga ag dhowaa madaxweyne Farmaajo.

“Hoggaamiye kasta oo dunida soo mara qof ayaa saaxiib dhow la ah. Aniguna Sharaf ayay ii tahay inuu madaxweyne Farmaajo saaxiib dhow iga dhigtay.”

Mar uu ka hadlayay sababta uu u noqday qofka loogu hadal haynta badan yahay siyaasada, wuxuu sheegay xafiisyada uu madaxda ka ahaa inay kamid ahaayeen xafiisyada lagu dajiyo go’aannada dalka lagu maamulo.

Taliyihii hore ee nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Fahad Yaasiin, waxaa sidoo kale wareysigii uu ku bixiyay uu ku sheegay inuusan marnaba aaminsanayn in go’aano uu bixiyay dad lagu dhibaateeyay.

Wuxuu iska fogeeyay inuu dowladda Qatar u wakiilatay arrimaha Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay oo uu ku faano kamid ahaanshaha ururkii Al-tixaad ee hadda loo yaqaan Ictisaam.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]