4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2022
Musharax Cirro: Isku day dil ayaa la iila badheedhay

Jimco, Juun, 10, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu ka bad baaday isku day dil oo uu madaxweyne Biixi soo maleegay.

Cirro oo ka falceliyay muuqaal baraha bulshada ku baahay oo laga duubay isku dhac dhexmaray ciidamada booliiska iyo askar ka tirsan ilaaladiisa, ayaa dhacdada ku sifeeyay shirqool uu madaxweynuhu doonayayay in uu ku khaarajiyo.

"Muuqaalkan waxa uu marag & markhaatiba u yahay in isku day dil maanta la iila badheedhay anniga iyo ilaaladeyda badhtanka caasimadda Hargeysa, ayna caddahay in ay tahay shirqool ka yimid Muuse Biixi, fulintiisana uu u soo dhiibay inanka uu adeerka u yahay ee Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Birmadka- ku magacaaban" ayuu yidhi Cirro

Cirro ayaa ku hanjabay in aanu madaxweynaha talaabada kaga hadhi doonin "Waxaa igu ballan ah in aannaan kaga hadhin isku day-ga dilkaas ee uu Muuse soo qorsheeyey, Khadar Laangadhe-na u soo dhiibay".

Cirro waxa uu ku andacooday in ay hayaan xogo sheegaya in madaxda mucaaradka dilal qorshaysan lala beegsan doono "Arrintani waxa ay daaha ka qaadday xogaha aan haynnay ee tilmaamayey in madaxda ugu sarreysa mucaaradka dilal qorsheysan lala beegsan doonno Waa loo joogi arrintaasi halka ay Somaliland dhigto!".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]