4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2022
Somaliland oo hambalyaysay talaabo cusub oo Koongaraska Maraykanku qaaday
 

Jimco, Juun, 10, 2022 (HOL) -  Xukuumada Somaliland, ayaa soo dhawaysay "Xeerka wada shaqaynta Somaliland iyo Maraykanka" oo shalay Guddida Arrimaha Dibbada ee Kongaraska Maraykanku ansixiyeen isla markaana u gudbiyeen golaha koongaraska.

"Xukuumada Somaliland waxay soo dhawaynaynsa, talaabada Guddida Arrimaha Dibadda Koongaraska Maraykanku, ku ansixiyeen 'Xeerka wada shaqaynta Somaliland iyo Maraykanka' isla markaana ay u gudbiyeen aqalka koongaraska si uu u eego" ayaa lagu yidhi warbixin kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee Maraykanka, Bashiir Good, ayaa sheegay in talaabadani horseedi doonto in layska kaashado danaha labada dhinac, sida horumarinta dimuquraadiyada, horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga Geeska Afrika, la dagaalanka argagixisada, budhcad badeeda iyo tahriibinta sharcidarada ah ee dadka, sida warbixintu xustay.

Xidhiiddhka Somaliland iyo Maraykanka ayaa xoogaystay kadib safarkii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayaa bishii March ku tageen Washington halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula yeesheen qaybo kamid ah Aqalka Odayaasha Maraykanka, oo ay ugu horayso guddida arrimaha dibada ee aqalkaas, ururrada bulshada iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowlada Maraykanka.

Xildhibaanada ka tirsan guddida arrimaha dibada, ayaa bogaga ay ku leeyihiin barta Twitterka, ku baahiyay codsiyo ay dowlada Maraykanka kaga dalbanayaan in ay xoojiso xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]