4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2022
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo macluumaad baaritaan ku wareejiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
 

Arbaco, Juun, 1, 2022 (HOL) - Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed kasoo baxay waxaa lagu shaaciyay inuu ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud macluumaadka baaris uu ku sameeyay kiis la xariiray Markab dhuxul siday oo lagu xanibay wadanka Cumaan.

War saxafadeedka kasoo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale lagu sheegay in waxyaabo badan lagu ogaaday baaritaanka ayna la wadaageen hay'addaha dowladda Soomaaliya ay quseyso.

24-kii bishaan ayay aheyd markii Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble markii uu shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha Dibadda, kadib markii lagu eedeeyay in uu fasaxay Markabka dhuxusha siday ee ku xanibmay dalka Cumaan.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Kasoo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online