4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ka dalbaday gargaar deg deg ah


Arbaco, Juun, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta booqday kaamamka barakacayaasha ee ku yaala magaalada Baydhabo ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha, biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalka .

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka ugu baaqay in loo gurmado dadka tabaalaysan oo ay waxyeeladu ka soo gaartay masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqday iyo duruufaha amni ee ka jira qeybo ka mid ah gudaha dalka, isaga oo faray hay’adaha dowladda in la dardargeliyo hawlaha gurmadka abaaraha.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aan haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso wax ka qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo xusay in dowladda dhowaan magacowday Ergay gaar ah oo ka shaqaynaya isku xirka arrimaha gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa booqashadiisa Maanta ee Kaamamka Barakacayaasha Baydhabo ku weheliyay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online