4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya Dagaal Maanta ka dhacay deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan
 

Arbaco, Juun, 1, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal mudo kooban socday oo Maanta ka dhacay deegaanka Booco oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan dhanka Koofureed ilaa 35 KM.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyo beeleed hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Maxkamad ay dacwada ku qaadaan Al-shabaab oo ku taala deegaanka Booco.

Dagaalka ayaa intuu socday waxa leys ku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in weerarka ay ku dhinteen ilaa sadax ruux oo ku sugnaa Maxkamada Shabaab ee deegaanka Booco, inkastoo aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin in dadka dhintay ay shabaab ahayeen, hayeeshe warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in sadaxda ruux ee dhimatay uu hal ruux shacab ka ahaa.

Maleeshiyaadka weerarka ku qaaday deegaanka Booco oo ka mid ah deegaanada ay shabaabka ku xoogan yihiin ayaa la sheegay iney yihiin Maleeshiyaad ku heyb ah Nabadoon Cali Dheere oo kooxo hubeysan ay ku dileen Jimcihii lasoo dhaafay gudaha Baledweyne xili uu kasoo baxay Salaadii Cishaha, kuwaas oo ka careysna dilka Nabadoonka.

Laamaha Amniga gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dagaalka, hayeeshee inta badan degaannada Gobolka Hiiraan ayaa waxaa markasta ka dhaca dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana dagaalkan uu noqonaya kii ugu horeeyay ee Maleshiyo beeleed ku weeraraan deegaan Al-shabaab ka taliyaan.

Hiiraan Online News Disk