4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2022
Dowlad degaanka Soomaalida oo gargaar raashin ah u diray maanta shacabka ku dhaqan galbeedka Gobolka Sitti
 

Arbaco, Juun, 1, 2022 (HOL) - Waxaa maanta ka ambabaxay magaalada Shiniile ee gobolka Sitti gawaadhi siday raashinka noocyadiisa kala duwan, kuwaas oo kusii jeeda goobaha ay sida daran abaaruhu u saameeyeen ee galbeedka gobolka Sitti ee dowlad degaanka Soomaalida.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiir ku xigeenka Xafiiska Maareynta khataraha masiibooyinka ee degaanka Soomaalida Cabdifataax Maxamed Cabdi, raashinkan caawimaadda ah ayaa waxaa la gaarsiin doonaa 3200 oo qoys oo kamid ah dadka ugu daran bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee galbeedka gobolka Sitti.

Gobolka Sitti ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa mudddooyinkii dambe ka jirtay abaaro daran, iyadoo meelaha ay abaartu ugu darnayd ay kamid ahaayeen galbeedka Sitti, halkaa oo shacabka ku dhaqani ay abaarta u weheliso colaad soo jiitantay oo u dhaxaysay Soomaalida iyo Canfarta.

Shacabka ayaa boggaadiyay tallaabadan ay dowladdu maanta ku dhaqaaqday ee wax loogu qabanayo shacabka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan galbeedka gobolka Sitti ee dowlad degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]