4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo bilowday dadaalo looga hortagayo macluusha

Arbaco, Juun, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan ergayga gaarka ah ee u qaabilsan ka hortagga abaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Baydhabo.

Ergeyga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in socdaalkan uu la xiriiro sidii loo sameyn lahaa olole heer qaran ah oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ka dhashay abaaraha ka jira dalka.

Safarkiisa ugu horeeyay ee uu ku tagay Baydhabo, ayuu ergayga ku muujiyay xanuunka iyo dhibaatada bini’aadanimo ee ka jirta Baydhabo. Waxa uu ku booriyay bahwadaagta caalamka iyo Soomaalida in ay taageeraan dadaallada looga hortagayo macluusha.

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladda Soomaaliya ay aad u liidato iyadoo 7.1 milyan oo qof oo ay abaaruhu saameeyeen, ay u baahan yihiin dadaalo bi'aadanimo oo lagu badbaadinayo.

"Haddii aan kor u qaadin jawaabtayada, nasiib darro, dad badan, oo ay ku jiraan ugu yaraan 370,000 oo carruur ah, ayaa baabbi'i doona ka hor dhammaadka bisha Juun. Taasi waxay kuu sheegaysaa sida ay xaaladdu u daran tahay, ” Isku-duwaha Gargaarka Bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula, ayaa yiri isagoo booqanaya Baydhabo - oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday.

6.1 milyan oo Soomaali ah ayay saamaysay xaaladda degdegga ah ee abaarta tan iyo bishii May, sida lagu sheegay warbixin dhawaan uu soo saaray xafiiska isku xirka arrimaha bini'aadantinimada ee OCHA.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]