4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2022
Guddoomiyihii hore ee Guddida Doorashooyinka Somaliland oo iska casilay xubinimadii
 

Arbaco, Juun, 1, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii dhawaan xilka laga qaaday ee Guddida Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa ku dhawaaqay in uu gabi ahaanba iska casilay ka tirsanaanshihii guddida.

Riyo-raac oo waraysi siiyay idaacada BBC Somali, ayaa xaqiijiyay is casilaad diisa, "Warkaasi run weeyi xilkii waan iska casilay, koomiishankii doorashooyinka ee aan kamid ka ahaa waan iska casilay".

Riyo-raac waxa uu sheegay in khilaaf sharci oo soo kala dhexgalay xubnaha guddida uu saamixi waayay in uu sii wado shaqada sida darteedna uu iskaga casilay dhamaan shaqadii uu ka hayay guddida.

"Baryahaaba khilaaf ayaa jiray koomiishanka, arrimaha sharciga iyo wax badan ayaa laysku qabtay, sida daraadeed waxay noqotay madama oo khilaaf meeshii yimid oo sharciyadii laysku qabtay in aan shaqadii lasii wadi karin" ayuu yidhi Riyo-raac.

Riyo-raac wuxuu beeniyay in madaxweyne Biixi uu wax lug ah ku leeyahay khilaafka soo kala dhexgalay, xubnaha guddida, waxaanu sheegay in khilaaf kani ahaa mid muddo dheer soo jiray, oo aanu madaxweynuhu waxba kala socon.

Riyo-raac ayaa xilkii guddoomiyenimo kuwaayay cod ay qaadeen xubnaha guddidu 27 April, iyadoo xubnuhu ay guddoomiye cusub u doorteen Kaltuun Sh. Xasan Cabdi oo ahayd gabadha kali ah ee ku jirtay 7-da xubnood ee guddida doorashooyinka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online