Sabti, Luulyo, 9, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Shaatoole ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
newsinsideDagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Fedaraalka ay howlgalo ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Dooloow iyo Luuq ee gobolka Gedo.
Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama oga inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaaray.
Howlgalkaan ayay maamulka gobolka Gedo ku sheegeen inuu yahay mid la isugu furaayo wadooyinka degmooyinka gobolka Gedo oo ay horay u go'doomiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyo dagaal oo ay ku doonayaan iney isugu furaan deegaanada iyo degmooyinka kala go'doonsan ee ku yaala qaar ka mid ah gobolada Hiiraan, Sh/dhexe, Baay iyo Bakool, iyo Gedo.