Arbaco, Luulyo, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiska ku magacaabay wasiiro iyo wasiir ku xigeeno ka tirsan Xukuumaddiisa, ayadoo la isku badelay Wasaaraddaha qaar.
newsinsideWareegatada kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu magacaabay laba wasiir iyo laba wasiir ku xigeen, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa wareegtada waxaa loogu magacaabay xilka wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, waxaana wasiir ku xigeenka Wasaraddaasi loo magacaabay Faarax Mukhtaar Daa’uud.
Axmed Xasan Cumar ayaa sidoo kale wareegtada loogu magacaabay xilka wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka, waxaana wasir ku xigeenka Wasaaraddaasi loo magacaabay Maxamed Cusmaan Jaamac.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale Maxamed Cumar Yuusuf u magacaabay gudoomiyaha Maxkamada Degmada Dhoobley, waxaana sidoo kale Madaxweynahu uu Cabdinuur Wali khaliif uu u magaacay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamada Degmada Dhoobley.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]