Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Warar soo baxaya oo aanan si rasmi ah loo xaqiijinin ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay Xalay ka gudbeen xadbeenaadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
newsinsideDad ku dhaqan deegaanada dhaca Waqooyiga magaalada Baledweyne ayaa warbaahinta u sheegay in Xalay ciidamo farabadan oo ay sheegeen iney ka mid yihiin Al-shabaab ay u talaabeen dhanka dowlad deegaanka Itoobiya, gaar ahaan dhinaca degmada Feer Feer.
Dhaqdhaqaaqa Xalay ay uga gudbeen ciidamada Al-shabaab xadbeenaadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa kusoo beegmeysa xili Xalay hawada ay ka maqneyd Isgaarsiinta Magaalooyinka Baledweyne, Buulaburte iyo Maxaas oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Hiiraan, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Isgaarsiinta degmooyinkaasi hawada laga saaro.
Waxaa sidoo kale talaabadaan ciidanka Al-shabaab ay ugu gudbeen gudaha dowlad deegaanka ay kusoo beegmeysa xili laba maalin ka hor ay Al-shabaab ka dhex dagaalameen gudaha dhulka dowlad deegaanka Itoobiya gaar ahaan gobolka Afdheer halkaas oo ay ka dhaceen dagaalo khasaaro badan geystay, walow labada dhinacba ay guulo ka kala sheegteen dagaaladii halkaasi ka dhacay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]