4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2022
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hay'adaha amniga iyo Gargaarka amray in ay ka jawaabaan Xaaladda Gobolka Bakool

Khamiis, Luulyo, 21, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa amray hay’adaha amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaanno ka mid ah ay weeraro ka geysteen kooxda Alshabaab.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa raysal wasaaraha warbixin ka siiyay deegaannada ay kooxda Alshabaab ka geysteen weerarada ay ku qabsadeen magaalooyinka Yeed iyo Aato.

Xamse waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah la bixin doonto dhibaatada Alshabaab ay ka geysteen gobolka Bakool.

Wuxuu sheegay in si degdeg ah gargaar loo gaarsiin doono shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay.