Axad July 10, 2022(HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayay Madaxweynaha Eritrea ayaa maanta kormeeray xerada ay ku jiraan ciidamadii Soomaaliya ee Eritrea tababarka loo geeyay.
newsinsideMarkii ugu horraysay waxaa warbaahinta kasoo muuqday ciidamadii Soomaaliyeed ee dalka Eritrea lagusoo tababarayay, halkaas oo uu ku booqday madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxeynaha Eritrea.
Ciidamadan oo lagu qiyaasay tiradooda shan kun oo askari ayuu madaxweynuhu ugu tagay goobta uu tababarka ugu socday, waxaana la filayaa in madaxtooyada goor dhow war kasoo saartay socdaalka uu madaxweynuhu ugu tagay.
Ciidamadan oo muddo ka badan 2 sano ku sugnaa dalka Eritrea ayaa filayaa in mar dhow dalka dib loogusoo celiyo si ay uga qeyb qaataaan dib uxoraynta deegaannada Alshabaab.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa sidoo kale ku soo wareejeyey madaxweyne Xasan Sheikh mashaariic laga hir-galiyey dalka Eritrea oo ay ka mid yihiin mashruuca biyo-xireenka Misilam iyo mashruuca tamarta cadeedda.