4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2022
Minnesota oo laga daahfuray urur ay ku midoobeen ganacsatada laga tirada badan yahay ee gobolkaas MMBA.

Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) -Waxaa gobolka Minnesota laga daahfuray urur loogu magac daray MMBA oo ay ku midaysnaan doonaan ganacsatada gobolkaas ee laga tirada badan yahay (MINNESOTA MINORITY BUSINESS ASSOCIATION) waxaana hormuud ka dhalinyaro Soomaali ah ee dalkaas ku nool iyo qoomiyado kale oo la dagan.

Xafladii lagu daahfuraayey ururkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mida siyaasiinta gobolka iyo ganacsato kala duwan oo dhamaantood soo dhaweeyey ururkaan sheegayna in looga fadhiyo waxqabad muuqda.

Sh Cabdiraxmaan Kaariye madaxa ururkaan MMBA ayaa HOL u sheegay baahida keentay aasaaska MMBA oo uu ku sheegay in marka hore loo baahday in la abaabulo ganacsatada laga tirada badan yahay ee gobolkaan lana darso baahiyaha caamka ah ee wada haysta , waxuuna sheegay shiikhu in ganacsatada ay haysto dhibaatooyin cunsuriyadeed oo ay kala kulmaan nidaamka dowliga ah loona baahan yahay in loo helo nidaam iskaashi leh oo qayb ka noqon karto difaacooda ganacsiyadooda maalkooda & sharafkooda

Wasiir Xigeenka Shaqada & Horemarinta Dhaqaalaha gobolka Minnesota Mudane Hamsa Warfaa oo kulankaan ka hadlay ayaa bogaadiyey soona dhaweeyey daahfurka MMBA “ Hamsa waxuu yiri waaxaa muhiima in bulshadu is abaabulaan waana sida kaliya ee codkeenu ku gaari karo meesha ay taladu ka go’do , waa in aan ahaanaa dad isku tiirsan lehna hal madba oo ah horemarinta nolosheena ganacsiyadeena si aan ula jaanqaadno bulshooyinka dalkaan loogu yimi, Waxuu kalo wasiirku sheegay in shaqooyinka gobolkaan ka jira kala bar ay hal abuureen ganacsatada yaryar oo qayb muhiima ka ah horemarka gobolkeena.

Mahad Xasan oo ka hadlaayey  dhibatada haysata xarumaha xanaanada caruurta ee gobolkaan Minnesota ayaa sheegay in uruurkaan uu wax badan ka qaban doono caqabadaha haysta xarumahaas codna uu u noqon karo.



Waxaa kaloo kulankaan ka soo qaybgalay Jamal Cusmaan oo ah xubin gole dagaan ka ah Magaaladda Minneapolis , Aisha Chughtai oo sanadkaan loo doortay MPLS xubin gole deegaan,Jeremiah Ellison oo isaguna xubin gole deegaan ka ah Minneapolis iyo Simon Trautmann oo Magaaladda Richfeild ee gobolkan Minnesota xubin gole deegaan ka ah isla markaana sanadkaan u taagan in xeer ilaaliye uu ka noqdo dagmadda Hennepin ee gobolka, waxayna dhamaantood bogaadiyeen soona dhaweeyeen daahfurka MMBA.

Siyad S Salah

Hiiraan Online

Minneapolis,MN

[email protected]