4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 9 , 2022
Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika oo xilka ka tagi doona

Axad, Janaayo, 9, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika, Jeffrey Feltman ayaa xilka ka tagaya. David Satterfield, oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, ayaa xilkaan la wareegidoona maalmaha soo socda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa si gaar ah u sheegtay Arbacadii in Feltman, oo 62 jir ah, uu xilka ka tagayo bishan kadib in ka badan sagaal bilood oo uu shaqada ku jiray, waxaana lagu beddeli doonaa Satterfield.

Satterfield, oo ah ruug-caddaa ka tirsan Adeegga Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo leh in ka badan afartan sano oo waayo-aragnimo ah, ayaa soo noqday safiirka Maraykanka ee Turkiga, halkaas oo uu ka soo shaqeeyay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada xulafada NATO.

Feltman, oo isna ah dublamaasi rug-caddaa ah, waxa uu xilka la wareegay bishii April, waxana uu si degdeg ah ula kowsaday laba xasarood oo waaweyn oo ah dagaal sokeeye oo qotodheer oo u dhexeeya ciidammada TPLF iyo ciidanka Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed. sidoo kale afgambi militari oo ka dhacay Suudaan bishii Oktoobar.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online