4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Itoobiya oo cafis ku siidaysay madax sare oo kamid ahaa Ururka TPLF
 

Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay cafis u fidisay qaar kamid ah madaxda u sarraysa Ururka TPLF, sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya.

Madaxda TPLF ee lasiidaayay ayaa waxaa kamid ahaa Sebhat Nega, oo kamid ahaa Aas aasayaashii Ururka TPLF, Madaxwaynihii hore ee degaanka Tigray Abbay Waldu, iyo xubno kale oo dhammaantood kamid ahaa Ururka TPLF, lana qabtay intii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay dowladda iyo TPLF.

Siidaynta xubnahan TPLF iyo kuwo kale ee kasoo jeeda qowmiyadaha Oromada iyo Axmaarada ee uu kamid yahay Jawhar Maxamed, ayaa kusoo hagaagay xilli uu Abiyi Axmed ku dhawaaqay in loo baahan yahay dib u heshiisiin guud oo dalka ka dhacda.

Dhinaca kale Jawhar Maxamed ayaa xalay saacadihii dambe ka baxay xabsiga, kaddib markii sida la sheegay ladammaanad qaaday amnigiisa, ilaalo gaar ahna loo soo diray kuwaas oo gaarsiitay hoyga uu kulahaa magaalada Addis Ababa.

Qaar kamid ah dadka kasoo jeeda qowmiyadda Axmaarada ayaa iyagu durba ka biyo diiday, go'aanka ay dowladdu kusoo daysay xubnahan TPLF, oo ay sheegeen in haba yaraatee aysan mutaysan in la cafiyo, maadaama dhibaato badan ay dalka usoo gaysteen, intii ay xukunka hayeen iyo billowgii dagaalkan.

TPLF ayaan wali wax hadal ah ka odhan siidaynta xubnahan kamidka ahaa ururkooda.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]