4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 7 , 2022
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Caawa ah dib uga bilaawday magaalada Muqdisho
 

Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Shirka Golaha wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya Raysal wasaaraha Soomaaliya, shanta madaxweyne goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa goordhaw oo Caawa ah dib uga bilaawday Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Dhamaam madaxda Golaha wadatashiga Qaran ayaa wada fadhiya shirka oo la sheegay in looga arrinsanaayo amniga iyo doorashada dalka oo sida lawada ogsoon yahay maalintii khamiista ay madaxda wadatashiga si weyn isugu khilaafeen dooda la xariirtay in amniga dalka lagu wareejiyo raysal wasaare Rooble.

Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa xaqiijiyay in shirka uu haatan ka socdo hotelka Decale, islamarkaana madaxda Golaha ay xaadir ku wada yihiin.

"Shirka Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooblee oo caawa loo ballansanaa in la sii ambaqaado ayaa ka socda hotelka Decale halkaas oo ay xaadir kuwada yihiin Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir" ayuu yiri Macalimuu.

Bulshaweynta Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa si weyn u eegaya waxa kasoo bixi doono shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo haatan u muuqanaya mid wajahaya cakirnaan siyaasadeed oo ku aadan cida lagu wareejinaayo amniga dalka.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online