4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 7 , 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in dowladda Imaaraadka Carabta dib loogu celinayo lacagtii looga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho
 

Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta raali galin ka bixiyay dhacdadii dowladda Imaaraadka  Carabta loogala wareegay lacag gaareysay  sagaal Milyan bishii April ee sanadkii 2018, taasoo lagu qabtay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u balan qaaday dowladda Imaaraadka Carabta in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda dib loogu wareejin doono sida ugu dhaqsiyaha badan dowladda Imaaraadka.

Rooble ayaa hadalkaan sheegay xili maanta ay la wareegayeen deeq gargaar ah oo dowladda Imaaraadka Carabta keentay Soomaaliya, taasoo loogu talagalay gurmadka abaaraha baahansan ee xiligaan ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya, waxaana deeqdan guddoomay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.

Deeqda Maanta Imaaraadka Carabta soo gaarsiisay Soomaaliya ayaa aheyd Macaawino gaareysa 26-tan, oo isugu jirta Cuntooyinka nuucyadeeda kala duwan.

Dowladda Imaaraadka ayaa horay u balan qaaday iney ka qeyb qaadaneyso u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee saameynta ba'an ku yeelatay abaaraha ku dhuftay inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Gabagabadii Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka deeqdan gargaarka ah ay maanta soo gaarsiiyeen, isagoona sheegay iney ka go'an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online